SAWIRO: Roobab Dabeyla wata, khasaarena geystay oo ka da’ay magaalada Taleex ee Gobalka Sool.

TALEEX(PTIMES)- Roobab dabeylo xoog leh watay ayaa xalay ka da’ay magaalada Taleex ee gobalka Sool, waxaana ay geysteen khasaare iskugu jira dhaawacyo soo gaaray dadweynaha magaaladaas iyo guryo badan oo burburey.

Roobabkan ayaa xalay fiidnimadii ilaa waabarigii saaka ka da’ayey deegaanada gobalka Sool qaarkood, gaar ahaana magaaladan Taleex.

Guryo badan ayaa dumay oo kuyaalay magaalada Taleex, kuwaas oo geystay dhaawaca in ka badan 8 qof oo kamid ah dadka magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Odayaasha dhaqanka ee Taleex ayaa u sheegay Saxaafada in ay jiraan xoolo badan oo ku waxyeeloobey roobabkan oo wata dabeylo xoog leh, isla markaasna meelaha qaarkood la sheegay in ay biyo badan ka soo rogmadeen.

Shalay digniino ka soo baxay Hay’addaha la socodka Cimilada iyo Bini’aadantinimada ee Qaramada Midowbay ayaa ka digay roobab dabeyla wata oo ka curan kara gobalada Nugaal & Barri ee Puntland.

T1 T2 T3 T4 T5 T6

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail info@puntlandtimes.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

 
/