Sunday 28th August 2016

FALANQEYN XASAASI AH: Maxay ka dhigan tahay Talaabada M/weyne Gaas xilka uga qaaday Afgaduud & Afdalow?

May 15, 2016 - Written by admin

BOOSAASO(PTIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa goor dhaw wuxuu xilalkii ka qaaday Taliyaashii ka dambeeyey dhacdadii magaalada Boosaaso ka dhacday 05 May 2016, taas oo uu ku dhaawacmay Wasiirkii Amniga ee Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, uuna ku geeriyooday Taliye kuxigenkii ciidamada Birmadka Puntland.

Madaxweynaha ayaa xalay la kulmay Saraakiisha ciidamada Amniga Puntland & Guddi gaar ah oo loo xilsaaray arrimahan, waxaana ay soo jeediyeen in Xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyaashan oo kala ah Jen, Cabdirisaaq Afgaduud oo Booliska xukumayey iyo Col, Cismaan Xassan Cuuke (Afdalow) oo ahaa Taliyaha ciidamada Birmadka.

Labadan Taliye ee xilalka laga qaaday ayaa Ilaaladoodu ay ahaayeen kuwii bilaabay rasaastii ka dhacday Saldhiga ciidamada Birmadka ee Puntland ee Boosaaso, halkaas oo ay ka socotay tiro koob lagu sameyn lahaa ciidamada amniga ee Puntland.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in uu Guddigii howshan loo xilsaaray ay soo jeediyeen Talooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin In talaabo kale oo dheeraad ah laga qaado labada Sarkaal oo hadda xilalka laga qaaday.

Madaxweynuhu wuxuu Taliska ciidamada Booliska oo dhan si KMG ah ugu magacaabay Taliye kuxigeenkii ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Cabdulqaadir Faarax Shire (Ereg), oo horey u soo noqday Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland.

HALKAN KA AKHRISO KHUDBADA

Wareegtada

 

 

(Waxaa aragtay 913 )

Comments

comments

FEATURES


















Like Our Facebook Page
Mudane Cali Xaaji Warsame