WAR DEG DEG AH: Madaxda Siyaasadda Soomaaliya & Beesha Caalamka oo hadda ku shirsan Xerada Xalane

MUQDISHO(PTIMES)- Shir deg deg ah ayaa hadda Madaxda Siyaasadda Soomaaliya & Beesha Caalamka uga socda Xerada Xalane ee ay inta badan degan yihiin Wakiilada caalamiga ah, waxaana si adag looga wada hadlayaa arrimaha Hiigsiga 2016-ka, si toos ah ayuu u socdaa hadda waxaana adag in la ogaado waxyaabaha ka soo bixi doona.

Hoggaamiyaasha Soomaaliyeed ayaa waxba heshiis ah ka gaari waayey wada hadalo u socdey 3 maalmood ee lasoo dhaafey, waxayna dhinacyadu isku qabsadeen Maqaamka ay yeelanayso caasumada Soomaaliya.

Dawladdaha Puntland & Jubbaland waxay diideen in haba yaraatee wax ka bedel lagu sameeyo heshiisyadii horey loo galey, si taas la mid ah ayey diideen Madaxda dawladda Faderaalkuna in ay sameeyaan wax tanaasulaad ah.

Beesha Caalamku waxay qaadan doonaan doorkooda Siyaasadeed, si gaar ah waxay u soo jeedin doonaan go’aamo khuseeya arrimaha doorashada, waxaana si toos ah qodobada ay u eegayaan ka mid ah Jadwalka doorashada ee Soomaaliya.

Breaki

GOOR DHAW LA SOCO WARARKEENA

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail info@puntlandtimes.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

 
/