XOG RASMI AH: Madaxweynaha & Ra`iisulwasaaraha DFS miyey isku hayaan magacaabidda Safiiro & Xil ka qaadista Taliyaal ciidan?

MUQDISHO(PTIMES)- PuntlandTimes ayaa heshay xog cadeynaysa in Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xassan Sheekh Maxamuud & Ra`iisulwasaare Cumar Cabdirashiid ay isku khilaafsan yihiin magacaabida Safiiradii dhawaan ay meelmariyeen gollaha Xukuumada Soomaaliya, waxaana meelaha ugu badan ee lays ku hayo kamid ah dalalka loo dirayo Safiiradan cusub.

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa ku dhegan in la bedelo Safiirka Soomaaliya u jooga Jimciyada Qaruumaha ka dhaxeysa, waxaana taas ka diidan RW Soomaaliya, sida ay sheegayso xogaha soo gaaraya PTIMES.

Magacaabida Safiiradan waxaa leh soo jeedin Wasaaradda Arrimaha dibada, gollaha Xukuumada ayaa meelmarinaya, Ra`iisulwasaaruhu wuxuu la wadaagayaa Madaxweynaha meelaha muhiimka ee ay tahay in loo magacaabo.

Laakiin Madaxweynaha ayaa si iskiis ah u go’aansadey in shaqsiyaadka qaarkood loo magacaabo dalal kala duwan, kuwaas oo xil ka qaadis lagu sameeyey Safiiro horey u joogay, inkastoo aan wali si rasmi ah layskugu raacin.



Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka biyo diidey go`aankii uu Ra’iisulwasaare Sharmaake guddi baaris ah oo madax banaan ugu magacaabay eeddii lagu soo oogay Taliska ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka ee Soomaaliya, taas oo ahayd in ay Askareyn ku sameeyaan Caruurta ka soo baxsata kooxaha xagjirka ah ee Al- Shabaab.

Xildhibaano kamid ah baarlamaanka oo lagu yaqaanay taageerida go’aamada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kal-hore cambaareeyey guddigaas oo ay sheegeen in uusan sharciyad heysan, laakiin Ra’iisulwasaare Sharmaake ayaa ku adkeystay magacaabida guddigan oo hadda shaqadiisa wada.

Horey Madaxweynaha & Raysalwasaaraha ayaa u kala aragt duwanaa hanaanka loo marey doorashada Soomaaliya ka dhacaysa bisha September ee sannadkan 2016-ka, waxaana la xasuustaa sidii adkeyd ee ay u kala aragti duwanaadeen arrinta gobalka Banaadir.

X & Shar

____________

PUNTLANDTIMES.COM

MUQDISHO-SOMALIA

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail info@puntlandtimes.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

 
/