XOG XASAASI AH: Yuu ku wajahnaa Weerarkii lagu qaaday Hotel NAASA HABLOOD 1 & Yaase Abaabulay?

MUQDISHO(PTIMES)- Xogo cusub oo laga helay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa-Hablood One ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadaya cidda halkaas shirka ku lahad iyo Ujeedada ka dambeysay weerarkan, xili aysan dawladdu wali magacaabin Guddi baaris oo arrintan dabagal ku sameeya.

Xogo cusub ayaa sheegaya in Hotelka ay kulan afur ah oo Is wareysi ah ku lahaayeen Guddi gaar ah oo Sheekh Shariif Sheekh Axmed u magacowday in ay qeyb ka noqdaan Ole-Olihiisa Siyaasadeed, kuwaas oo xiligaas qaarkood ay ku jireen gudaha dhismaha.

Warar sugan ayaa sheegaya in kooxdu ay horey u gashay intii uusan bilaaban kulankan gudaha Hotelka oo ay hordhaceen, iyadoo shaqsiyaad muhiim ah oo ay doonayeen in ay waxyeelo u geystaan aysan soo gaarin meesha.

Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo ah nin si weyn loogu yaqaano arrimaha Siyaasada, wuxuu si rasmi ah u sheegay in uu ku sii jeeday Hoteka Naasa-Hablood oo uu Afur ku lahaa, wuxuuna qirey in uu jiray qorshe isku xiran.



Ilaalada xooga badneyd ee shaqsiyaadka joogay goobtu, waxa ayna u diideen kooxdii Xagjirka ahayd in ay galaan Hoolka Shirarka & Dabaqa kore guud ahaantiis, sidaas oo kalena Laamaha Amnigu wey ka dib dhaceen waqtigii loo sheegay weerarkan.

Ilaha xogtan waxay kaloo Daaha ka rogayeen in horey loo sheegay khatar ku soo fool leh hotelkan, sidaasna aysan guddiga oo dhan soo wada xaadirin madasha shirka, laakiin qorshuhu ahaa in bacdal Afur shirku si rasmi ah u bilowdo.

Al- Shabaab ayaa sheegtay weerarkan, laakiin ilaa hadda laamaha Sirdoonka ee Musharax Shariif Sheekh Axmed faahfaahin kama aysan soo saarin arrimahan, waxaana socda baaritaano is garab socda, kuwaas oo ugu dambeynta Natiijada banaanka soo dhigi doona.

XOG CUSUB

_____________

Max’ed Taaj

Nairobi-Kenya

Puntllandtimes.com

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail info@puntlandtimes.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

 
/