Galmudug oo shaacisay hadal la yaab leh & Shacabka Gaalkacyo Oo is weydiinaya

GAALKACYO(PTIMES)- Maamulka Koonfurta Gaalkacyo iyo Galguduud ayaa ku dhawaaqey hadal ay aad isku weydiinayaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadweynaha magaalada

Gaalkacyo, kaas oo ahaa in ay bilaabayaan howlgalo ka dhan ah kooxda Argagixisada ah ee Al- Shabaab.

Sida uu Saxaafadda u sheegay Cabdilaahi Aadan Xuseen oo sheegtay in uu yahay Amaan duulaha ciidamada Xerada 21aad, ee katirsan ciidamada dawladda Faderaalka u diwaangashan.

Cabdulaahi wuxuu sheegay in ay hadda bilaabayaan la dagaalanka Al- Shabaab, isagoo sheegay in ay gacan uga baahan yihiin shacabkooda, isagoo horey u sheegay todobaadkii hore in aysan Al- Shabaab joogin gudaha Galmudug.

Kala hadalka Galmudug ka soo baxaya ayaa soo badanayay tan iyo markii ay Diyaaradaha Mareykanku duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen Bariga gobalka Mudug, oo ay ku bartilmaameedsadeen unugyo Shabaab ah, laakiin Galmudug sheegatay in ay ciidamadaas ayagu lahaayeen.

Xog cusub ayaa daaha ka rogeysa in ay dawladda Mareykanku ku qasabtay Galmudug in ay dhaqaajiso haddii ay ciidamadu heystaan ayna geeyaan meelaha la yaqaano ee ay Shabaab uga sugan yihiin gobalka Mudug dhinaca Koonfureed oo ay la dagaalamaan.

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.