Koox London Ka Dhisan Oo Dalab Sareeya Ka Geysay Isco , Kaliya Real Ayay Jawaab Ka Sugayaan

Kooxda Arsenal ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan qarash gaaraya 18 milyan oo gini si kala wareegga dambe u helaan saxiixa qadka dhexe kooxda Real Madrid ee Isco

Laacibkaas 24 sano jirka ah ayaa loo badinayaa in uu baxayo maadaama uu ka sheeganayo kurisga keydka .

Waxa uu xilli ciyaareedkaan kaliya uu saftay 4 kulan oo La Ligaha ah iyadoo dhamaan uu ku soo galay qaab badal ah

Hishiiska Isco ayaa dhacaya 2018-ka balse waxa uu wargeyska Diario Madridista sheegayaa in laacibka go`aansaday in uu baxo kala wareegga dambe isla markaana uu toos u dalban doono in la fasaxo

Arsenal waxa ay loollan kala kulmayaan Tottenham oo iyana laacibkaan dooneysa waliba labada koox in muddo ayay baacsanayeen wiilkaas gaaban

Isco ayaa Real u yimid sanadkii 2013-kii xilligaas oo uu ka wareegay Malaga waxaana ku baxay qarash gaaraya 25 milyan oo gini

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.