Maxaa ka soo baxay Shirkii Beesha Caalamka & Madaxweynaha dawladda Puntland.

GAROOWE(PTIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir khaas ah la yeeshay Wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Shirka marka uu dhamaaday ayay si wadajir ah Saxaafadda ula hadleen, waxayna sheegeen in waxyaabihii ay ka wada hadleen ay isku afgarteen.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu sheegay in uu Ergaygu u yimid in ay ka wada hadlaan arrimaha xasaasiga ah ee doorashooyina 2016-ka, wuxuuna cadeeyey in ay Puntland diyaar u tahay Isbedel ka dhaca Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in lasoo gaarsiiyey sida ay Beesha Caalamku u eegayso xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, sidaas awgeedna ay garowsan yihiin in la meelmariyo qodobadii horey loogu heshiiyey.

Ergayga gaarka ah ee QM U qaabilsan Soomaaliya Micheal Ketaing oo hadlay wuxuu isna cadeeyey in ay walaac ka qabaan dibu dhac doorasho, isagoo sheegay in si taas looga hortagana ay Wakiilada caalamiga ah soo mareen badi dawlad gobaleedyada qaarna u harsan yihiin.

Ergaygu wuxuu sheegay in looga baahan yahay Hogaamiyaasha Soomaalida & Isimada dhaqanka in ay dhawraan Qoondada Haweenka & Dhalinyarada oo kamid ahayd arimihii horey looga wada hadlay.

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.