WARBIXIN KOOBAN: Maxaad ka taqaan Farxaan Cali Xuseen oo Garoowe shalay kaga guuleystay Siyaasi caan ah?

GAALKACYO(P-TIMES)- Senator Farxaan Cali Xuseen wuxuu shalay wacdaro ka dhigay Aqalka Golaha Wakiilada ee dawladda Puntland,isagoon aqoon badan loo laheyn, ahaana Siyaasi Da’ayar, laakiin si weyn indhawaale ugu dhex jiray Saaxada Siyaasadeed, wuxuuna shalay si lama filaan ah uga guuleystay Jeneraal Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo ka soo mid ahaa Asaasayashii Puntlland & Ragga inta badan wax laga weydiiyo Arrimaha Puntland marka laga hadlayo Siyaasadda Soomaalida.

Senator Farxaan wuxuu si kalsooni ah usoo galay Hoolka baarlamaanka, ka hor intii aysan bilaaban doorashadu, wuxuuna si kaftan ah ugu sheegay Warsidaha Puntlandtimes.com in uu filayo guul Taariikhi ah in ay ka soo raacdo Madasha, laakiin markii uu guuleystay wuxuu qiray in la gaaray waqtigii da’ayartu ay tallin lahayd lama huraan ay tahay in laga shaqeeyo Maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Khudbadii uu u jeediyey Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ka hor maalin doorashadiisii wuxuu ku isku sifeeyey in uu yahay nin Hankiisu ka weyn yahay Jeebkiisa, isagoo sidoo kale qiray in ay Soomaaliya u baahan tahay Cadaaladd, sidaas oo kalena wuxuu sheegay in masiirka Ummadda Puntland uu yahay mid kaliya ee loo baahan yahay si gaar ah xil-layskaga saaro.

Muhiimada Aqalka Sare loo dhisey wuxuu ku sifeeyey Xildhibaan Farxaan in ay tahay sidii ay iskugu ilaalin lahaayeen Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed, sidaas oo kalena waxyaabaha xaqqa ee la wada leeyahay loo kala qaadan lahaa si siman, taasna wuxuu balan qaaday in uu saamiga Puntland ilgaar ah ku eegi doono.

Dadka yaqaana Farxaan Cali Xuseen waxay ku sifaayaan nin afgaaban, In-badan galangal siyaasadeed oo xoog badan ku leh siyaasada hada ee mandiqada, sidaas oo kalena Goob ka hadal ah,waana mida keentay in uu ka guuleysto mid kamid ah raggii ay bulshadu u saadaalineysay.

Farxaan wuxuu balan qaaday in uu wax ka qaban doono, isagoo kaashanaya Saaxiibadiisa ay ka soo wada jeedaan Puntand Arrimaha Saami qeybsiga Heer Faderaal, gaar ahaana Deeqaha Waxbarashada iyo sidii Puntand si xaq ah u heli lahayd saamiga uga maqan dawladda Faderaalka ee Soomaaliyeed.

Dhinac kale marka laga eego guusha Farxaan Cali Xuseen waxay u tahay dhalinyaradda Puntland in ay saami weyn ku yeesheen kaqeybgalka Aqalka ugu Sareeya Hagida Soomaaliya, waxaana horey u jiray Qoondada Dhalinyaradda oo door muhiim ahayd, laakiin caqabado jiray awgood uu Aqalka Sare soo galay oo kaliya Farxaan Cali Xuseen oo natiijo wanaagsan soo hoyeyay.

Dad badan oo ku nool gobalada Puntland ayaa shalay si gaar ah Isha ugu hayay Hardan adag oo siyaasadeed, kaas oo ka dhacay Xarunta baarlamaanka ee Puntland, waxaana soo baxay rag aan horey loo fileyn in ay soo bixi doonaan, halka ay Rug-cadayaal siyaasadeed waayeen codka mudanayaasha baarlamaanka Puntland, taas oo ilaa hadda si gaar ah loo hadal hayo…

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Mdalac says:

    meesha waa meel uu dr gaas kadhigtay xurunta bulada ciyaarta lagu ciyaaro waana xera geel maha gole baarlamaan. ninkan ah ina il giir waa nin kaadidisa uso cabay puntland hadad taqano. ninkan aad faanina waa damu.jadiid waynaday anaga ku naqaan adeer waa meel damu.jadiid puntland oo lagu khasaray. waxan leyahay boorsada xasan sheikh aya taal garowe. marka aan isdhiibno kolay xasan soo baxyee. waa
    lakhasaray reer puntland oo dhanow..




.

.