XOG CUSUB+AKHRISO: Jubbaland oo saacadaha dhaw War cusub shaacin doonta & Magacyada qaarkood..

KISMAAYO(PTIMES)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba-gabeeyey xulitaanka Musharaxiinta Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, gaar ahaana kuwa ka soo jeeda gobalada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la kulmay Odayaasha beelaha Jubbaland daga, gaar ahaana qeybaha uu soo magacaabayo, isagoo kala hadlay arrimaha qeybinta iyo sida loo guda galay hanaanka doorashada ee Soomaaliya.

Shaqsiyaadka aad loo hadal hayo in ay ku soo bixi doonaan waxaa kamid ah Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Jubbaland Col, Cabdirisaaq Fartaag oo wax badan u soo qabtay Jubbaland.

Sidaas oo kale waxaa kamid ah Wasiiro katirsan dawladda Soomaaliya oo ka soo galaya dhinaca Jubbaland, sidaas oo kale waxaa kamid ah wakiilada IGAD mid kamid ah oo ka imaanaya dhinaca Jubbaland.

Beelaha ayaa qaarkood ay si u saluugsan yihiin xubnaha la shaacinayo, laakiin Aqalka Hoose ayaa wali doodiisu taagan tahay sida loo qeybsanayo, taas oo qasab ka dhigaysa in xal deg deg ah laga gaaro.

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.