TOPNEWS: Madaxda Puntland oo maanta si deg deg ah ugu soo laabanaya Garoowe, xili Amniga Bosaso laga deyrinayo..

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxda dawladda Puntland, gaar ahaana Madaxweynaha Puntland Dr Cadiweli Maxamed Cali Gaas iyo kuxigeenkiisa Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa dib ugu laabanaya caasumada oo ay ka soo maqnaayeen todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana mandiqada kusoo kordhay falal amaan darro.

Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa u tagey Muqdisho arrimaha la xariira Doorashooyinka Soomaaliya, waxaana lafilayaa in ay soo gaabiyaan safaradaas oo ay dib ugu laaban doonana magaalada Garoowe.

Intii ay madaxdan ku maqnaayeen magaalada Muqdisho, waxaa dib uga bilowday magaalada Boosaaso dilalka qorsheysan, waxaana lagu dilay magaaladaas sadex Sarkaal oo katirsanaa dawladda Puntland, gaar ahaana Madaxtooyada, Booliska iyo Maxkamada ciidamada Qalabka sida.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa lafilayaa in uu amar deg deg ah oo ku wajahan xaaladda Boosaaso bixiyo, marka uu la tashado Saraakiisha Sirdoonka iyo Nabadsugida oo xog badan maalmihii ugu dambeeyey aruurinayey.

Madaxweyne Gaas wuxuu xalay ugu baaqay Shacabka Boosaaso in ay si deg deg ah gacan u siiyaan ciidamada Difaaca oo qaadaya howlgalo dharbaaxo adag lagu gaarsiinayo kooxaha Argagixisada ah, ee doonaya in ay gumaadaan Haldoorka Ummadda iyo madaxdeeda.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.