WAR DEG DEG AH: Iska horimaad u dhaxeeya ciidamo kasoo jeeda dhinaca Puntland & Liyuu Police Itoobiya oo hadda socda

BURSAALAX(P-TIMES)- War deg deg ah oo hadda naga soo gaaraya deegaanka Tuulo Xanan ee u dhaxeysa DUDUN iyo Bursaalax ayaa sheegaya in uu hadda halkaas ka dhacay Iska horimaad mar kale dhexmaray ciidamo dadka deegaanka ah iyo ciidamo ka amarqaadanaya dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in ay dhimashadu ilaa hadda gaarayso 2 qof oo ka soo jeeda dhinaca Puntland, waxaase adag in wali xaqiiqada la ogaado.

Dawladda PUntland ayaa shalay ka dhagax dhigtay deegaankan sadex mashruuc horumarineed oo laga fulinayo, laakiin ilaa hadda dawladdu kama hadlin arrimahan.

Wararu waxay sheegayaan in ay dhici karto in ay dhaawacyada iyo dhimashadu ka bataan inta hadda la hayo, maadaama wali rasaas laga maqlayo goobahaas.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.