WAR DEG DEG AH: Roobab xoog leh ka da’aya meelo kamid ah Puntland & Cimilada oo bedelan.

GAROOWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasumada Puntland ayaa daaha karogaya in ay  roobab lagu diirsaday ka da’een inta badan gobalada Barri,Gardafuu, Nugaal, Karkaar iyo meelo kamid ah Sanaag barrio o ay hadda rooobabku soo gaareen.

Wariyaaasha kusugan Gardafuu, Karkaar, Sanaag iyo Barri ayaa sheegaya in ay meelaha qaarkood roobabku socdaan saacado ka badan 12 saac, kuwaas oo wata biyo xoog badan iyo dabeylo waa weyn.

Magaalooyinka laamiga saaran ayay ka da’ayaan roobabkan, waxaana deegaanada xeebta saaran cabsi laga qabaa in ay waxyeelo geystaan.

Wariyaasheena ayaa ku howlan sidii ay ku ogaan lahaayeen cimilada iyo roobabkan, waxaana meelaha qaarkood wali laga soo sheegayaa in ay jiraan saadaal sheegaysa roobaba xoog leh.

Cimilada mandiqada Puntland ayaa bedelan marka laga reebo magaalada Gaalkacyo, waxaana inta badan Nugaal laga soo sheegayaa roobab xoog leh.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.