WAR DEG DEG AH: Xildhibaanada Labada Aqal oo saaka lagu dhaarinayo magaalada Muqdisho

MUQDISHO(P-TIMES)- Xildhibaanada labada Aqal ee dawladda faderaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu dhaarinayaa Xarunta Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay joogeen inta badan Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee waqtigii xil-heyntu ka dhamaaday.

Markiiba 20 Xildhibaan ayaa la dhaarinayaa, sida ay sheegayaan wararka laga helayo guddiga Abaabulka Munaasabada dhaarinta baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Hogaamiyaasha Madasha badankooda ayaa jooga fadhigan dhaarinta ah, waxaana saacadihii ugu dambeeyey la adkeeyey amniga xarunta ay dhaarintan ka dhici doonto.

Ciidamada Amniga ayaa lagu daadiyey jidadka muhiimka ah ee soo gala goobtan, iyadoo sidaas oo kale lafilayo in ay ka soo qeybgalaan wakiilada caalamiga ah ee qaabilsan amuuraha Soomaaliya.

SI TOOS AH UGALA SOCO Puntlandtimes.com RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.