XOG MUHIIM AH+SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland & Ergayga Gaarka ah ee QM oo qaatay Shir xasaasi ah..

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir khaas ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo ay ka wada hadleen arrimaha Siyaasada iyo Doorashada dhawaan qabsoomaysa.

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay Wakiilka Qaramada Midowbay in ay Puntland dhawrayso Isbedel mug weyn oo ay qeyb ka yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Michael Keating ayaa dhankiisa  timaamay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qataan abaarta baaxadaleh ee ka jirta Puntland, islamarkaana ay la wadaagidonaan dawladdaha xunaha ka ah qaramada midoobey sidii loo caaawinlahaa dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland.

Dhinaca kale ambassador Michael Keating ayaa Dawladda Puntland iyo shacabkeeda ku amaanay sidii hufnaynd ee ay meel uga soo wadda jeesteen qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka.

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.