DAAWO SAWIRRO+LIVE: Waa Sidee xalka Doorashada Muqdisho ka dhacayso iyo Xidig oo xaaladdii ugu adkeyd ku jira

MUQDISHO(P-TIMES)- Wariyaheena magaalada Muqdisho ayaa ku jira gudaha Xarunta Golaha Shacabka ee Soomaaliyeed, wuxuuna halkaas ka soo qaaday Sawirro muujinaya xaaladda goobta doorashada ee maanta ka dhacaysa.

Afhayeenka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la dooran doonaa, waxaa tartamaya 4 siyaasi oo ay ugu cad-cad yihiin Cabdifitaah Geeseey oo wariye horrey u soo noqday iyo Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo Gudoomiye afartii sanno ee lasoo dhaafay soo ahaa.

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ay wada socdaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda u muuqda mid guuldareystay, laakiin Isbedel siyaasadeed ayaa suuragal ah in uu dhaco.

Warar ku dhaw dhaw Xidig ayaa sheegaya in laga yaabo in uu tanaasulo doorashada oo socota, marka uu qiimeeyo jawiga iyo shacuurta Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka.

SI AAD TOOS UGU DAAWATO DOORASHADA RIIX HALKAAN

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.