DEG DEG: War deg deg ah oo naga soo gaaray magaalada Boosaaso

BOOSAASO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goor dhaw halkaas lagu dilay labo qof rag ah, ayna dilkooda fuliyeen Dabley Bistoolado ku hubeysan oo ka baxsatay goobta dilkan ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamada Amnigu hadda wadaan howlgalo ay ku baadi-goobayaan kooxihii ka dambeeyey falkan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ragga la dilay ahaayeen ciidamada Difaaca ee Puntland, balse Saraakiisha ciidamada amniga oo aan la xariirnay wey ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan arrimahan.

Boosaaso hadda waxaa jooga Madaxda ugu sareysa dawladda Puntland, waxaana horey loogu dilay masuuliyiin katirsan dawladda Puntland todobaad gudihiis sadex masuul.

Ciidamada Puntland ayaa si aad ah u sugaya xaaladda amniga ee magaalada Boosaaso, waxayna qabteen dad badan oo ilaa hadda baaris lagu hayo.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdiweli says:

    Hadii aan magalada guri guri loo baarin lama sugi karo amanka. Waayo dableydu guryo ayey kasoo duulaan, ka cunaan oo ka caban.guryahaana reer puntland ayaa leh. Amaan xumada waxaa keenaya qabyaalada oo la qadarinayo. Dowladu waxay ka baqaysaa qabilada oo qabiilkii falxumatashiilkooda lasoo qabto way caroon oo gadoodin oo buuraha ayeey galin. Reer puntland qabyaalad qaab daran ayaa hareereeyey oo rabi iyo xaqsoorba ka fogeeye . Hadii aan qabyaalada xaqdarad iyo xaqiraada ku dhisan layska deyn oo aan gacan ku dhiiglayaasha Kan ugusokeeya soo qaban ama soo sheegin hade hala ogaado in roob da’aheeyn. … guuldaro-na reer puntland ku dambayn… horumar-na la gaareyn. WBT




.

.