DEG DEG+AKHRISO: Saaka & Doorashada Muqdisho, Sidee Codad loo kala haystaa, Maxaase xalay Isbedelay?

MUQDISHO(P-TIMES)- Maanta 10 January 2017 Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya waxay dooran doonaan gudoomiyaha baarlamaanka faderaalka oo shaqadaas kala wareegaya guddoonka KMG ah ee baarlamaanka 10aad Soomaaliya.

Xaalad adag iyo kala jiidashada Xildhibaanada ayaa tan iyo ilaa hadda ka socota Muqdisho, iyadoo la gaaray meeshii ugu sareysay ee codadka Xildhibaanada lacag lagu raadiyo.

Musharaxiinta ugu cad-cad gudoonka baarlamaanka ee sida adag maanta isku haya waxaa kamid ah Prof, Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo shaqadan 4 sanno oo horrey u soo hayey, Mr, Cabdirashiid Xidig oo wasiir kuxigeen uga ahaa Xukuumadda hadda jirta iyo Cabdifitaax Geeseey oo wasiir ka ah Koonfur Galbeed, Wariye mudo soo ahaa.

Wariyaheena Muqdisho wuxuu sheegay in aduun gaaraya $350,000 ay xalay gaareen codadka Mudanayaasha baarlamaanka faderaalka ee Soomaaliya, lacagtaas oo ah kuwa ugu yar yar ee la kala qaatay habeenkii xalay, si ay Xildhibaanadu u doortaan shaqsiga ay saaxiibada yihiin.

Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa u sheegay Warsidaha Puntlandtimes.com in ilaa hadda lacagaha la gaaray ay kor u dhaafayaan $400,000 taas oo muujinaysa heerka adag ee doorashaddan ay taagan tahay.

Saadaalin badan lama bixin karro, iyadoo ay taasi daliil cad u tahay arrinta xasaasiga ah ee lacag bixinta oo gaartay xalay heerkii ugu sareeyey, waxaana musharax kasta uu xalay furay Khasnadaha Keydka ee doorashada ugu talo-galay.

Goor dhaw oo saaka ah ayaa lafilayaa in ay natiijadu kala cadaato, iyadoo ay suuragal tahay in laysla gaaro 01:00 duhurnimo ee waqtiga Soomaaliya.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.