DEG DEG+XOG CUSUB: Prof Jawaari oo taageero ka raadinaya Xildhibaanada Puntland, Maxaase dhexmaray?

MUQDISHO(P-TIMES)- Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo muddo xilkeedii Guddoonka baarlamaanka Faderaalku ka dhamaaday ayaa hadda raadinaya markale in uu noqdo Afhayeenka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Jawaari ayaa isku dayaya in uu la kulmo Xildhibaanada Beesha Daarood uu raadinayo codadkooda, waxaana xasuus mudan in uu saacadihii ugu dambeeyey waday galaangal Siyaasadeed oo cusub.

Prof, Jawaari ayaa sheegay in uu doonayo Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, isagoo la kulmay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland qaar kamid ah oo ay arrimahan ka wada hadleen.

Is afgaran-waa Siyaasaded ayaa haatan ka dhex jira Jawaari iyo Madaxweynaha Koonfur Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mar kale u ordaya Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

Damaca Jawaari ayaa ah in beeshiisu ay markale xagsato Guddoominta baarlamaanka Soomaaliya, halka ay jiraan ciyaaro siyaasadeed oo damaciisaas ka soo horjeeda, ayna garwadeen ka yihiin xubno door ah oo kamid ah kooxda DAMU JADIID.

Xogtu waxay sheegaysaa in Xildhibaanada beesha Daaroodka laga yaabo in ay codkooda siiyaan Cabdifitaax Geeseey oo wasiir ka ah Xukuumada Shariif Xasan Sheekh Aadan, sidaas oo kalena horey u soo noqday Wariye iyo gudoomiye gobalka Baay ah.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.