DEG DEG+XOG XASASI AH: Maxay isku afgarteen Xildhibaanada Dirta Waqooyi, Koonfur Galbeed & Musharax Faarax Cabdulqaadir goor dhaweyd?

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa ogaaday in uu hadda shir khaas ah u soo dhamaaday Xildhibaanada Dirta Waqooyi iyo Koonfur Galbeed, kulankaas oo ay la yeesheen Musharax Faarax Cabdulqaadir Maxamed oo maanta u taagan qabashada gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ku dhaw dhaw kulamadan ayaa sheegay in ay labada dhinac ee Xildhibaanada ah balan qaadeen in ay codkooda ku taageeri doonaan musharax Faarax Cabdulqaadir.

Puntlandtimes ayaa ogaatay in uu jiro Is-gaaashaanbuursi weyn oo dhexmaray dhinacyadan, kaas oo ku saleysan doorashadii shalay ka dhacday xarunta golaha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Sidaas oo kale qaar kamid ah Xildhibaanadii u codeeyey Musharax Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa taageeraya maanta Musharax Faarax Cabdulqaadir, si ay jabkii shalay uga aarsadaan Xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Daarood oo shalay codkooda ku soo saaray Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.