DHAGEYSO+WARKII U DAMBEEYEY: Wadooyinka Muqdisho oo xiran & Xildhibaanada oo ku qulqulaya Hoolka baarlamaanka

MUQDISHO(P-TIMES)- Jidadka muhiimka ah ee caasumada Soomaaliya ayaa xiran, waxayna saaka Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah Isha iyo Dhaayaha ugu hayaan kalfadhiga Mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Faderaalka ee ay kasoo xusheen gobalada dalka.

Jidadka muhiimka ah kasokow dadweynaha ayaa laga celinayaa meelaha qaarkood iyadoo loo diidan yahay in ay xataa maraan, waxaana cabsida ugu badan ay tahay in la xaqiijiyo daganaanshaha doorashada.

Xildhibaanadu wey codeynayaan, waxaana Xildhibaan kasta uu si toos ah u gudanayaa waajibaadkiisa Qaran ee loo igmaday, isagoo dooranaya gudoomiyihiisa baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Afar musharax ayaa tartamaya, waxaana Xildhibaanadu ay hadda ku qulqulayaan Hoolka baarlamaanka, waxayna balantu tahay in 9-ka subaxnimo la bilaabo kalfadhiga baarlamaanka Faderaalka.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Maanta waa maalin ay baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, markii labaad ku dooranayaan Muqdisho Madaxda ugu sareysa dawladda dhexe, taas oo ay sugayaan Shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

SI AAD TOOS UGU DAAWATO DOORASHADA RIIX HALKAAN

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.