FAALLO XOG XAMBAARSAN: Jawaari sidee ku hoggaamiyey Barlamaanka Soomaaliya 4-Sano ee lasoo dhaafay, Maxayse soo kordhinaysaa dib u Doorashadiisu?

Maxamed Sheikh Cosmaan Jawaari  waxaa  4-sano ka hor loo caleema saaray guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed oo uu kaga guulaystay Prof. Cali Khaliif Galayr oo ay isugu soo baxeen wareegga kama danbaysta ah ee doorashadii dhacday bishii September 2012-kii.

Jawaari oo ah aqoon-yahan bartay  Shareecada Islaamka wuxuu golaha wakiilada sida la isla qirsan yahay 4-sano ee lasoo dhaafay ku hoggaanshay jawi xasiloon oo ka duwan Baarlamaannadi ka horayey oo iyaga looga bartay is qab-qabsi iyo muran harayn jiray fadhiyadii ay yeellan jireen kuwaas oo sababi jiray inuu natiijo la’aan ku dhammaado Ajande walba ee markaas horyaal, Prof Jawaari wuxuu abuuray hanaan sharcigu sareeyo oo goluhu si qaanuunka waaqafsan uga doodaan islamarkana u go’aamiyaan qorshayaasha sharci dejineed ee loo igmaday.

Maxamed Sheikh Cosmaan oo ah khabiir muddo kusoo dhexjiray siyaasadda waddanka tan iyo dowladdii kacaanka oo uu wasiir kasoo noqday sidoo kalena ahaa agaasimihii guud ee shaqaalaha qaranka, waxaa lagu bartay muddaaas sanooyinka ah ee lasoo dhaafay hoggaamin waddaniyad iyo aqooni saldhig u tahay, taas oo markale sababtay maanta kursigan loo doorto. Dad badan ayaa Jawaari ku eedaya inuu ka qayb-qaatay ama uu door ku lahaa mooshinnadi xilalka laga tuuray labo Raysal-wasaare afartii sano ee uu Baarlamaanka hoggaaminayey, balse dadka xog ogaalka u ah siyaasadda dalka waxay ogsoon yihiin halka uu Jawaari mowqaf ahaan ka joogay  Mooshinnadaas iyo sidii uu golaha u maamullay intii marxaladahaasi socdeen.

Wuxuu xakamayey buuq iyo rabshado ka dhex curtay golaha intii lagu guda jiray Mooshinnadii xilalka looga tuuray Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed oo mid walba kalsoonida Barlamaanku kala noqdeen isagoo aan halsano magacow-nayn, wuxuuna mar walba guddoonka Barlamaanku door bidayey in aqlabiyadda goluhu wax go’aamiso si sharci ahna loo wajaho Mooshin walba ee markaas Barlamaanka horyaal.

Dib u doorashadiisu maxay soo kordhinaysaa.?

Sida la wada ogsoon yahay marka qofku muddo hoggaaminta kusoo dhex-jiro walibana mar kale loo doorto kursi uu horay ugu fadhiyey waxay wax badan ka duwan tahay hoggaaminta qof cusub oo markaas la doorto, marxaladda adag ee siyaasadda Soomaaliya xiligan mareysana uma muuqato mid ku habboon isbeddel shaqsi ah oo la sameeyo. Maxamed wuxuu si dhow ula socdaa shuruucda dalka iyo waajibaadada ay muhiimka tahay in golaha sharci dejintu diiradda saaraan si ay dalkan mudada dowlad la’aanta ahaa u sama bixiyaan. Jawaari waxaa sida cad xiligan u fudud inuu golaha u jiheeyo dariiq ay marxaladaha siyaasadeed iyo xaaladaha guud ee dalkaba wax kaga beddeli karaan, wuxuu hoggaamin doona afarta sano ee soo socota Jiil xildhibaanno ah oo da’yar, aqoon-yahanno siyaasadda ku cusub oo rag iyo haween ah iyo ruug caddaayo sidiisa oo kale markale dib looso doortay, waxana kala duwanaanshaha goluhu dhabaha u xaaraysa in uu yimaaddo isbeddelo cusub oo Barlamaanku ku tallaabsado, waxana Prof- Jawaari u muuqdaa shaqsi isku hayn kara islamarkana jihayn kara hanaanka wax-qabad ee Barlamaanka cusub.

Docda kale fallaan-qeeya yaasha siyaasadda Soomaaliya waxay saadaalinayaan in Jawaari doorashadiisu ay dhabaha u xaari karto in guud ahaan ay soo noqdaan ama dib loo doorto masuuliyiintii dowladda wakhtigeedu dhammaaday oo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud iyo xulufadiisu kursiga markale hantaan, balse taas waxaa go’aamin kara Golayaasha dawladda Faderaalka oo iyagu dooran doona shaqsigii ay u arkaan ku haboonaan-shaha hoggaaminta dalka.

Kama marna sidaas oo kale in ay jiraan kooxo Siyaasadeed oo uu Prof Jawaari qeyb ka ahaa, guushiisana horseeday, laakiin su’aasha Is weydiinta leh ayaa ah kooxdaas ma raaci doontaa Mr, Jawaari.

Ugu danbayn, doorashada guddoonka Baarlamaanka ee dhacday kama marna howlo musuq-maasuq, balse natiijyada soo baxday waxay u muuqata mid sahlaysa in golaha sharci dejintu qaato afar sanoo kale oo xasiloon islamarkana hanaankooda shaqo si wanaagsan u gutaan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.