FALANQEYN XASAASI AH: Maxaa kaaga baxay Hadaladii ay jeediyeen, Jawaari, Xidig & Faarax Sh Cabdulqaadir?

MUQDISHO(P-TIMES- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhageystay khudbaddo ay jeedinayaan ragga iyo gabdhaha u tartamaya in ay noqdaan Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka dhex muuqday xubno siyaasiin ah oo saameyntooda siyaasadood soo taagneyd afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka hadlay madasha ayaa sida ka muuqatay khudbadiisa oo dhan wuxuu weerar ku qaaday guddoonkii hore iyo beelo uu sheegayay in ay wadaan dano siyaasadeed oo u gaar ah.

Mr, Xidig wuxuu si  kulul u eedeeyey dad uu sheegay in ay dano siyaasadeed ka fakarayaan, isagoo xiligaas duurxul-siyaasadeed u sameynaya Xildhibaanada beeshiisa oo aan taageersaneyn.

Sidda ka muuqatay khudbadii Xidig dhamaanteed waxay ahayd mid kuu jiray Daganaansho la’aan baahsan, taas oo banaanka soo dhigaysa hardanka adag siyaasadeed ee waqtigan hadda ku jirro.

Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo xilka gudoomiyaha baarlamaanka hadda ka dagay, wuxuu muujiyey kalsooni, isagoo sheegay in aysan cidna wadan, cidnana uusan wadan oo ula jeeday jawaab u ahayd hadalkii Mr, Xidig uu horey u jeediyey.

Jawaari ayaa ku sifeeyey doonistiisan hadda ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ka dhigan tahay Soomaaliya oo gaarta meesha ay u socoto, wuxuuna sheegay in himilooyinka iyo Jaantuska siyaasadeed-ba ay yihiin kuwa muhiim u ah daganaanshaha Soomaaliya, taa soo ku sii adkeeyey doonistiisa in ay tahay wax beeshiisu leedahay iyana.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ah ninka kaliya ee 4-tii sanno lasoo dhaafay ugu hadal-heynta iyo saameynta badnaa ee gudaha dawladda Faderaalka ayaa ku bilaabay khudbadiisa Magacaygu waa Faarax Sh Cabdulqaadir, kuna dhashay Baladweyne.

Mar kale wuxuu muujiyey in uu 7 bilood ku dhashay, Aabihiis u rajeeyey in uu noolaado 7 maalmood, laakiin Hooyaddiisa tiri dalka iyo dadka ayuu anfici doonaa, isagoo halkaas duurxul siyaasadeed ku galay xubno kamid ah ragga la tartamaya.

Si aan leex-leexad laheyn ayuu labo goor gudoomiyaha Guddiga Doorashada uga codsaday in Xildhibaanada laga daayo jeedinta, oo xiligaas waraaqo ay Musharaxiin qeybinayeen, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin aan sax aheyn.

Faarax wuxuu khudbadiisa ka muuqday isku kalsoonaan xoog leh, isagoo balan qaaday in uu saameyntiisa Siyaasada ka sokow wax badan ka bedeli doono guddoonka baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Khudbadahan oo dhan marka la eego waxay u muuqdeen kuwa muujinaya heerka loolankan uu gaaray, waxaana hadda muuqda sidda a rag badan u haystaan kalsoonida baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, laakiin 11-ka bisha ayey tahay maalinta kala baxa.

FALANQEYNTAN WAXAY GAAR U TAHAY PUNTLANDTIMES.COM

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.