SAWIRRO: Tababar uga furmay dalka Ireland dhalinyaradda Soomaaliyeed ee Yurub

Shalay oo taariikhdu ahayd 03-01-2017 waxaa magaalada Dublin ee Dalka Ireland kafurmay tababar lugu xoojinayo dhalinyrda Soomaaliyeed ee Yurub kunool, Tababarkan oo socon doona muddo 9 cisho ah ayaa waxaa wada bixinaya Dalladdaha kala ah Dallada PEDAN iyo Dalladda ADYNE oo ah laba daladood oo inta badan mashaariic badan kafulya qaarada Yurub iyo Africaba

Dhaliyaradda oo ay tiradoodu gaarayso 36 qof oo ka kalayimid dalalka Finland, Ireland, Denmark , Norway, Uk iyo tababarayaal isugu jira Soomaali iyo ajaaniba iyo wiliba korjoogte kale ayaa dhamaan waxaa marti galiyay ururka UDUG Association oo kadhisan dalka Ireland qaybna ka dalladda qurbajoogta Yurub ee PEDAN.

Tababarkaan oo lugu baranaayo arrimo badan oo ay ka midyihiin kobcinta tayadda dhaliyaradda, sida waddaniyadda, qiimaha wadashaqaynta, dimuquraadiyadda, xoojinta fakarka qofka, kobcinta fursadaha shaqo ee dhalinta iyo kuwo kale.

Tababarkn ayaa kadhicidoona goobo kala duwan sidan Jaamacada ITB (Institute of Technology, Blanchardstown), xarunta Police-ka halka madax kalana oo dawladda kasocotana ay dhalinta kula hadli doonaan madasha tababarka.

Barnaamijkaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo loo qabto dhalinyro Soomaaliyeed ee intaa le’eg.
Furitaankii shirka waxaa erayo kooban ka soo jeediyay madaxda Ururka UDUG Association of Ireland, Dalla PEDAN iyo Dalladda ADYNE.

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.