WAR DEG DEG AH: Saadaalintii u dambeysay Afhayeenka cusub ee baarlamaanka DF & PTIMES oo heshay xog deg deg ah?

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes ayaa helay xogtii u dambeysay ee ku saabsan doorashada magaalada Muqdisho saaka ka socota, waxaana hadda ka socda Hoolka baarlamaanka kala fariisinta Xildhibaanada iyo in Xildhibaanadu soo dhameystiraan.

Wariyaheena Muqdisho oo kusugan gudaha Hoolka baarlamaanka ayaa sheegay in xuuraansi siyaasadeed oo uu sameeyey iyo shacuurta baarlamaankaba, ay muujinayso in musharaxiintu aad u kala cad-cad yihiin.

Saadaalinta ayaa sheegaysa in Xildhibaanada Beelaha Dirta Waqooyi, Daarood iyo Hawiye qaarkood ay taageeradda ugu badan siin doonaan Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari, oo hadda xilkan waqtigiisu ka dhamaaday.

Xildhibaanada qaarkood oo diidey in la sheego magacyadooda ayaa u sheegay wariyaheena in ay suuragal tahay in wareegga labaadba lagu kala baxo, oo sidaas lagu doorto gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari wuxuu sheegay in aysan cidna wadan, oo uu u sharaxan yahay oo kaliya shaqsiyadiisa uuna ku kalsoon yahay xildhibaanada baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

SI AAD TOOS UGU DAAWATO DOORASHADA RIIX HALKAAN

 

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.