WAR DEG DEG AH: Saadaalintii u dambeysay Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Faderaalka & Saaka

MUQDISHO(P-TIMES)- Mudanayaasha baarlamaanka ee Soomaliya ayaa saaka dhamestiraya shir guddoonka baarlamaana faderaalka, gaar ahaana waxay saaka codkooda ku soo saari doonaan Gudoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee baarlamaanka Soomaaaliya.

Wariyaheena Muqdisho ayaa soo sheegaya in ay wararkii ugu dambeeyey xaqiijinayaan in Kursiga koowaad ee shir guddoonka baarlamaanka Faderaalka, ay si adag ugu loolami doonaan Musharaxiinta kala ah Faarax Sh Cabdulqaadir Maxamed, Siciid Xuseen Ciid iyo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda Beesha Daarood ayaa wararku sheegayaaan in ay suuragal tahay in ay codka kalsoonida siiyaan Siciid Xuseen Ciid oo ka soo galay dawladda Faderaalka mandiqada Puntland.

Saadaaliyaashu waxay kaloo cadeynayaan in xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle ay la dagi doonaan Mr, Ciid oo aysan waxba cod ah siineyn, maadaama shalay lagu dagaalamay shir guddoonka baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Xogaha dheeraadka ah ayaa sheegaya in Malaayiin Dollar ilaa xalay ay baxday, taas oo lasiiyey Mudanayaasha baarlamaanka ayna ka qaadanayaan Musharaxiinta u taagan jagooyinkan.

Kuxigeenkii hore ee shaqadan soo waday ayaa dadaal ugu jira soo laabashadiisa, laakiin rajadiisa ayaa badneyn, maadaama aduunka lacageed la isticmaalay uu yahay mid sii kordhaya.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.