WAR DEG DEG AH: Shir u socday Guddiyo ka kala socda Xildhibaanada Beelaha ee Daarood iyo Hawiye oo markale is Afgaran-waa ku dhamaatay & Jawiga oo Isbedelay

MUQDISHO(P-TIMES)- War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hadda ay fashilmeen wada hadalo ay caawa lahaayeen Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Daarood iyo Hawiye, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka berri subax ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhaw dhaw wada xaajoodyadan waxay cadeynayaan in Guddiga ka socda Beesha Daarood ay soo jeediyeen kuwa Beesha Hawiye in ay ka fiirsadaan sidii loo badbaadin lahaa Soomaaliya, loona dhawri lahaa daganaanshaha dalka iyo sidii Isbedel uga dhici lahaa Soomaaliya.

Taas oo dabcan loola jedo in aan codka beeshaas aan la siin Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka soo jeeda Beesha Daarood, una sharax berri gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Qodobada qaarkood oo ay laysku fahmay ayaa haddana la rumeysan yahay in laysku mari waayay tuhumada ay kala qabaan iyo cabsida siyaasadeed ee labada dhinac, taas oo keentay in guddiga Beesha Hawiye ay qaarkood ku hanjabeen in ay codka siin doonaan dhinaca Shariif Xasan taageerayo.

Shirkan ayaa burburay, waxaana Isbedeli kara waaqica Siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaana Loolanka adag ee berri subax ka dhici doona Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.