WARKII U DAMBEEYEY: Waa Siddee Caawa Xaalka Shariif Xasan Sh Aadan iyo Musharaxii Mr, Xidig?

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Shariif Sheekh Aadan oo ciyaaraya ciyaartii ugu dambeysay ee siyaasadeed ayaa hadda u yeeray inta badan Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed, shirkan hadda ayuu socdaa waxaana si gaar ah u dhexmarayaa labada dhinac.

Warar ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in uu Shariif Xasan Sheekh Aadan kaartooyinkiisa siyaasadeed uga sheekaynaya xubnaha golaha Baarlamaanka ee taageersan siyaasadiisa ku saleysan in wax ka bedel lagu sameeyo Saamiga wax qeybsiga ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Kaartooyin cajiibka ah waxaa ah in la kala taageero xataa musharaxiinta beelaha Digil & Mirifle, waxaana uu hadda Shariifku u sheegay Xildhibaanada qaarkood in haddii uu harro Xidig ay codka siiyaan Cabdifitaax Geeseey.

Taas ayaa la rumeysan yahay in ay tahay heshiis dhexmaray Raysalwasaare Sharmaake & Shariif Xasan Sheekh Aadan oo bilaabay in ay ka hor yimaadaan sida ay wararku sheegayaan qorshaha Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr, Xidig wuxuu qiimihii ugu sareeyey gaarsiiyey codadka mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna bixinayaa lacag xad dhaaf ah, laakiin ilaa hadda Mudanayaal badan ayaa qaatay lacagtaas.

Shirarkan iyo Xogaha ugu dambeeya Isha ku haay Puntlandtimes.com

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.