WAR DEG DEG AH+AKHRISO: Cali Xaaji, Faroole iyo Siciid Denni oo maanta ku kulmaya Nairobi, Maxayse ka wada hadlayaan?

NAIROBI(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa ogaaday in ay maanta wada hadalo xasaasi ah ku yeelanayaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya Musharaxiinta ka soo jeeda mandiqada Puntland ee kaqeybgalaya Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Puntlandtimes ayaa ogaatay in ay magaalada Nairobi kusugan yihiin Samatar Cabdiraxmaan Sh Maxamed Maxamuud Faroole, Cali Xaajji Warsame iyo Siciid Cabdullaahi Denni oo maalmihii lasoo dhaafay joogay Muqdisho.

Faroole ayaa ka soo duulay Garoowe 10 January 2017, sidaas oo kale Cali Xaaji ayaa ka soo tagay Muqdisho isla 10 January 2017 iyo Siciid Denni oo Muqdisho ka soo baxay 09 January 2017.

Wada xaajoodyadan Siyaasadeed ayaa ku jiheysan sidii ay codadkooda u mideyn lahaayen una heli lahaayen musharax si toos ah uga gudba wareega koowaad, iyadoo ay warar cusub sheegayaan in ay suuragal tahay in uu wada hadaladaas ku biiro Ra’iisulwasaare Sharmaake.

Ilo ku dhaw dhaw dhinacyadan ayaa sheegaya in uu jiro Iskaashi gaar ah oo ay doonayaan in ay sameystaan kooxahan, si ay uga hortagaan qorshe kasta oo ay shaki uga qabaan in uu ku dhaqan-galo magaalada Muqdisho.

Faroole, Cali Xaaji iyo Siciid Denni ayaan ku jirin ragga la saadaalinayo in ay ka gudbi karaan wareega koowaad, waxaase ay hadda mideynayaan codad ay heli karaan, iyagoo sidaas oo kale ay suuragal tahay in codadka qaarkood ay u adeegsadaan lacago fara badan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.