WAR DEG DEG AH+AKHRISO: Musharaxiin war lama filaan ah kaga dhawaaqay Muqdisho & Cabsi soo wajahday

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com Nuqul qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Musharaxiinta Madaxweyne-nimada 18 ka mid ah oo aysan ku jirin Madaxda xilka haysa ayaa lagu muujiyey walaac balaaran oo ku saleysan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Nuqul kamid ah warka la soo saaray oo ay heshay Puntlandtimes.com waxaa ka muuqda quus weyn oo ay musharaxiintan ka muujinayaan in ay ku guuleystaan Madaxtinimada Soomaaliya.

Waxay sheegeen in ay u midoobayaan Madaxda xilka haysa sidii aysan ku soo laaban laheyn, taas oo muujinaysa walaaca ay qabaan oo ku ah mid khatarku ah daganaanshaha Soomaaliya, waxaana cabsida ay ku soo beegantay xili ay Musharaxiinta ugu cad-cad yihiin Xasan Sheekh Maxamuud & Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

18-kan musharax waxay dawladdaha deriska sheegeen in ay faragalin ku hayaan doorashada oo ay cid gaar ah ugu hiilinayan qabashada madaxtinimada Soomaaliya, balse ma aysan muujin dawladdaha kuwa ay yihiin.

Sidaas oo kale isla qoraalka waxaa lagu yiri ‘’Musharaxiintu waxay dalbanayaan in ay Doorashada Madaxweyne-nimadu ka dhacdo goob amaan ah oo Daahfurnaanta Doorashadu tahay mid laysku haleyn karro’’ taas oo laga dhadhasan karro cabsida kooxdan soo wajahday.

Markale waxay cadeeyeen in xaaladda Doorashadu aysan aheyn mid ay ku kalsoonaan karaan, waxay magacowdeen Ridwaan Xirsi Maxamed oo horrey RW kuxigeen u soo noqday DFS iyo EX Xildhibaan horrey Abdiraxmaan Xoosh Jibriil, taas oo muujinaysa walaaca ay kooxdan qabto.

Ragga miisaanka leh ee kusoo baxay saxiixa qoraalkan waxaa kamid ah.

  1. Shariif Sheekh Axmed
  2. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  3. Prof, Cali Maxamed Geedi
  4. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  5. Maxamed Nuur Axmed Tarsan
  6. Cali Xaaji Warsame
  7. Siciid Cabdullaahi Denni
  8. Cabdulqaadir Cosoble Cali
  9. Amb Maxamed Cali America
  10. Dr Cabdinaasir M Cabdulle iyo xubno kale oo dheeraad ah.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.