XOG DEG DEG AH: Sidee loo kala heli doonaa Codadka Xildhibaanada Doorashada Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya?

MUQDISHO(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtines.com oo saacadihii ugu dambeeyey waday xuuraansi hoose oo ku saabsan sida ay dhinacyada musharaxiinta u kala haystaan codadka xildhibaanada doorashada guddoonka ee dhacaysa 11-ka iyo 12-ka bishan, ayaa cadeynaysa in ay dhinacyadu kala guuleysan karaan xili horrey, iyadoo ay saadaalintan wax iska bedeli karaan hadba sidii loogu hayo xogta hadda.

Wararka ayaa sheegaya in tartanka ugu adag uu dhexmari doono dhinaca gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu u dhexmarayaa Jawaari iyo Xidig oo noqonaya ragga loolanka adag dhexmari doono.

Jawaari ayaa haysta ilaa hadda inta badan codadka Xildhibaanada baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu u haystaa codadka Xildhibaanada Dirta Waqooyi, Galmudug, HIRSHABEELE, Jubbaland & Puntland, taas oo muujinaysa in uu haysto aqlabiyad baarlamaanka Soomaaliya.

Mr, Xidig oo wajahaya cadaadisyada ugu badan ayaa la saadaalinayaa in uu haysto Xildhibaano 60 cod gaaraya, gaar ahaana wareega labaad ay suuragal tahay in uu gaaro, maadaama uu gadaal ka riixayo Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo dawladda Itoobiya.

Dhinaca jagada gudoomiye kuxigeenka koowaad ayaa xogtu sheegaysaa in aysan gali doonin tartan adag oo siyaasadeed, maadaama ragga u loolamaya qaarkood ay ku jiraan xubno mudo dheer siyaasadda saameyn ku lahaa.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo afartii sanno ee lasoo dhaafay si weyn loogu yaqaanay arrimaha Siyaasadda, ayaa inta badan haysta codadka xubnaha baarlamaanka, waxaana kalsoonida Faarax Sheikh Cabdulqaadir laga dareemayay kulamadii ugu dambeeyey ee uu la qaatay mudanayaasha baarlamaanka faderaalka.

Guddoonka labaad cidda ugu badan ee tartami doonta ayaa noqonaysa gudoomiye kuxigeenkii horrey iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana wararkii u dambeeyey ay sheegayaan in ay jiri karto in Faarax uu ku soo baxo booskan.

Doorashada gudoomiye kuxigeenka labaad ayaa ah mid aan saameyn weyn lahayn, waxaana wararku sheegayaan in ay Xildhibaanadu codadkooda ku taageeri doonaan hadba Musharaxii ay u arkaan in uu yahay mid hogaamin kara fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Shaki ma saarna in Malaayiin Dollar ay bixin doonan musharaxiintan, kuwaas oo saacadihii ugu dambeeyey xoojiyey tartanka adag ee ay ku jiraan, ayna sii laba jibaareen bixinta lacagaha ay haystaan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.