XOG RASMI AH: Shariif Xasan Sh Aadan iyo CC Sharmaake oo Dhabarka isku jeedshay, Yeyse biirin doonaan?

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay kala jeensadeen Siyaasiin dhawaanahan aad iskugu dhawaa gaar ahaana Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo u sharaxan Madaxweynaha dawladda Soomaaliya iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, rajadiisuna maanta soo dhamaatay.

Siyaasiinta ayaa kala tagey markii maanta afka ciidda loo daray Cabdirashiid Maxamed Xidig oo si adag ay u dagaalameen CCC Sharmaake, ka dib markii ay xildhibaanada beesha Daarood si rasmi ah u diideen guddoonka baarlamaanka in ay ugu codeeyaan.

Shir xasaasi ah oo ay xalay labada siyaasi yeesheen ayay isku afgaran waayeen arrimahan, waxaana Sharmaake uu sheegay in aysan marnaba talaabadaas noqon doonin mid aan la mahdin doonin, loona baahan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ka laabto.

Guuldaradda maanta ku dhacday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ahayd mid horey loo saadalinayey, laakiin guuldaraddan waxaa codkooda ku keenay Mudanayaasha beesha Daarood oo aan dhamaantood u codeyn Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Siyaasiintan kala Irdhoobay ayaa guuldarraddoda ka sokow, waxay kaloo lahaayeen balamo siyaasaded kuwaas oo aan la aqoon sida ay hadda u hirgalayaan, maadaama mid kamid ah uu la kulmay jabkii ugu horeeyey.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.