XOGTII U DAMBEYSAY: Caawa & Hardanka Siyaasadeed ee kataagan caasumada Soomaaliya?

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey oo Warsidaha Puntlandtimes.com caawa ka helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu socdo hardan adag oo siyaasadeed, kaas oo ay garwadeen ka yihiin inta badan Madaxda dawladda Faderaalka & Musharaxiinta Madaxtinimada ee kusugan Muqdisho.

Puntlandtimes.com ayaa ogaatay shirar xasaasi ah oo galabtay iyo caawaba dhexmaraya Xildhibaanada baarlamaanka & Musharaxiinta u taagan Madaxtinimada gudoonka baarlamaanka ee Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa qaba rajooyin kala gedisan, gaar ahaana Gudoomiyaha baarlamaanka ragga u loolamaya waxaa la filayaa in ay hardanka ugu adag dhexmaro Siyaasiinta ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa ilaa hadda la rumeysan yahay in uu wareega koowaad uga gudbo 90 Xildhibaan, taas oo ka dhigan talaabo aan aan farxad galin doonin Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mr, Jawaari ayaa taageero xoog leh ka helaya Saaxiibadiisa ay isku shaqada ahaayeen 4-tii sanno ee lasoo dhaafay, kuwaas oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo xertiisa.

Xog cusub oo uu helay Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa sheegaysa in Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu bilaabay in uu taageero Wariyaha Siyaasiga u buux-siibta Cabdifitaax Geeseey, laakiin ilaa hadda lama ogo halka ay gaarsiisan tahay taageeraddan.

Cabdirashiid Xidig ayaa dab yar shideyn caawa, wuxuuna raadinayaa taageeradda Xildhibaanada Beesha Hawiye, taas oo ay ka taagan tahay dood xoog leh, waxaana hadda socda shir xasaasi ah oo ay suuragal tahay in uu noqdo mid ay wax kasta is bedelaan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments


Shabakada Puntlandtimes.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail farahabdulkadir710@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.