(DHAGEYSO) Galmudug oo ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah, xili xiisad jirtay…

GAALKACYO(PTIMES)- Maamulka Galmudug ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqey dagaal ka dhan deegaanada kuyaala bariga Mudug & Galguduud oo ay haystaan Maleeshiyaadka Al- Shabaab, lana aamisan yahay in uu xariir qoto dheer kala dhaxeeyo mamulkooda.

Madaxweyne u xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in hadda ay ku kalsoonyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug iney qaadaan weeraro ka dhan ah Al-shabaab.

Carabey ayaa sheegay in la gaaray waqtigii la xoreyn lahaa dhammaan deegaannada Al-shabaab ay ka joogaan Galmudug, ciidankana looga baahan yahay dhabar adeeg iyo isku kalsooni.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Al-shabaab ayaa deegaanno ka tirsan Galmudug ku sugan, hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyay waxaa deegaanno ka tirsan maamulkaasi ka soconayey diyaar garow xooggan.

Share on Facebook

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. quslahaye says:

    waxaa jira wax laga xishoodo waayo al-shabaab iyo waan isku mid waxayna ka duulan isku meel waxayna aamin san yihiin in ay leeyihiin hal cadow ninkii garana haya baa garanahaye

  2. mo says:

    wa La.arkI doon




.

 
/