FAALLO XASAASI AH: Yaa masuul ka ahaa Muranka Badda Kenya VS Somalia

Waxaa maanta Hague ka furmay dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, dacwadan oo 4 maalmood socon doonta waxaa lagu wadaa in dal waliba uu labo maalin hadlo, si dhageysiga kadib maxkamadda ay go’aan uga gaarto, waxaa xusuus mudan in go’aankaas maxkamadda aanan  racfaan laga qaadan karin oo uu yahay mid kama dambeys ah.

Soomaaliya oo dawcada maxkamadda ka furtay, waxaa ay kalsooni buuxda ay ku qabtaa guusha dacwada, waayo badda waxaa uu xigaa dhulkeenna berriga ah, waxaa matalaya dalkeenna qarreenno caalami ah iyo xeer ilaaliyaha qaranka, waxaa kaloo la diray dadweyne kale iyo khubaro uu ku jiro Faarax Qarre si korjoogayaal uga noqdaan dhageysiga dacwada.

Maxkamadda Cadaaladda, war saxaafadeed ay soo saaray bishii May ee sanadkan waxaa lagu sheegay in maxkamadda ay ku dhageysan doonto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya Peace Palace ee magaalada Hague, Soomaaliya ayaa dooneysa  xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta- (370km) ee ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Maxkamadda waxaa ay sidoo kale sheegtay in labo wareeg ay tahay dhageysiga dacwada badda:

Wareegga 1aad: Isniinta 19-ka, 10: Subaxnimo ilaa 1:00 Duhurnimo, waxaa  la dhageysan doono dalka Kenya, Talaadada oo 20-ka ah, saacadaha 10: subaxnimo ilaa 1 duhurnimo, waxaa la dhageysan doonaa dalkeenna Soomaaliya,

Wareegga 2aad: Arbacada 21-ka, Saacadaha 4:30-6-da Galabnimo waxaa la dhageysan doonaa dalka Kenya halka dalkeenna Soomaaliya la dhageysan doono Jimcaha 10 -11:30 subaxnimo.

Soomaaliya waxaa qareenno u ah Paul Reichler  ka tirsan Abuukataal ku bahoobey Foley Hoag LLP ee magaalada New York iyo Qareen kale oo caalami ah oo Faransiis Prof Allain Pellet halka dalka Kenya ay horkacayaan qarreenno Kenyaan iyo Ajaanib isugu jira waxaa ka mid ah Prof Payam Akhavan (American), Prof Vaughan Lowe QC (British), Prof Alan Boyle (British), Prof Mathias Forteau (French) iyo Ms Amy Sanders (British).

Saldhigga Muranka:

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed  lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.

Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental. .

Soomaaliya ayaa ka carrootay heshiisyada dalka Kenya iyo shirkadaha shidaalka la gashay ee baddeena lagu baaryo, waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka, labada dal ayaa isla gartay in koox weliba ay dacwadeeda hordhigto qareennada maxkamadda cadliga adduunka.

Soomaaliya ujeedadeeda waa in la xadeeyo badda iyo dhulka ku dhaw halka Kenya ay dooneyso in sameeyo xariiqin badda ah.

Waa markii ugu horreysay ee Soomaalida gar-qaad weydiistaan Maxkamadda cadliga adduunka, haddii kiiskan aanu ku guuleysanno, waxaa ay taasi horseedi doontaa in aan mar kale isla maxkamadaas aadno si aan uga  furno kiisaska muranka dhulka ee nagala dhaxeeyay dalalka Yemen, Itoobiya iyo Kenya.

Sooyaalka Muranka Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya:

April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii.

1988: Waxaa la soo saaray  sharciga badda ee Soomaaliya.

1989: Labada Dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982 .

April 7, 2009: Dalalka Kenya  iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta  caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday, waxaana eedda dusha laga saaray Cumar Cabdirashid oo ra’isul wasaare ahaa dalka xilligaas iyo wasiirka saxiixay oo ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob:

Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya.

Qodobadaaas ayaa kala ahaa:

  1. In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988
  2. In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya.

Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii.

Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah.

Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran

August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka badda u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey si loo xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu  xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada.

Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo mabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya.

October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir  oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya ayaa qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa waxaa uu sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya,

Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya.

May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka.

September 19, 2016: Waxaa The Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waa labo wareeg oo labada dal la dhageysan doono, si markaa ka dib maxkamadda go’aan u gaarto.

                                              Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (International Court of Justice):

International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan  waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah.

Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Ronny Abraham halka uu guddoomiye ku xigeen ka yahay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulqawi  Axmed Yusuf.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye, 

XIGASHO:- Goobjoog News

Share on Facebook

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. mohamud m ali. ku magac dheer,,,,libaax says:

    soamalida waa xoolo waa in aad wax u keento,,,,i nagoo dhan ma ka wado lakiin sideen na loo dhici karaa,,,maxaa soo socda oo aan maxkamada la aadi doon naa,,,adigana waden kaadii baa ka carari iya gana waden keenii bey ku ca rari,,,

  2. mohamud m ali. ku magac dheer,,,,libaax says:

    hadii aan helno mid nimo somaliyeed wellee aduunka wuu lasocdaa umadda somaliyeed hadii aan meel kawada jee sano kenya waan bur burin karnaa iyada iyo walaasheed etobiya,,,war he shiiya wada jir baa wax lagu qab sadaa,,,,,idinkaa is jar jaraya,,xoolo wax looma sheegi kara waa in aad ho gaamisaa,,,,sida qabiilka idiin ho gaansho

  3. Issa says:

    Mar labaad baan akhriyey waa yaqyaqsaday
    Omar waa ceebowday waxaad aaday reer ayegaa
    Duf ku bax.alaal ku maqan orod isxabaal hada
    Ma maxaa ka socda Bangiga dhexe adiga Meesha raswaare ka ah adiga dowladdi hogaamiya
    Soo ceeb uma dhimatid.

  4. Issa says:

    Omar Cabdirashid ha lagu haro.
    Waxaad ceebaysay aabahaa iyo magacii
    Dadka aad ka soo jeedid.
    Dug ku kubax.
    Madaxweyne baan u sharaxanay
    Orod dadka ka dhuumo ceeb u dhimo




.

 
/