Wariye Abdi Aziz Afrika Oo Ku Dhaawacmay Is Rasaaseyn Dhex Martay Ciidamo Dowlada Somaliya Ah Xilli Dhamadashada Ay Maresyo Illaa 10 Qof.

Wariye Abdi Casiis Afrika ayaa lagu waramayaa in uu ku dhaawacmay is rasaaseyn dhex martay ciidamo ka wada tirsan dowlada Somaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho

Is rasaaseynta ayaa ka bilaabatay dood ka dhalatay ciidamo doonayay in ay maraan waddo ay xireen isla ciidamo kale oo dowladda ah taasi oo dhacda degmada Boondheer

Weli is rasaseynta waa socotaa lamana helin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca wariyahaas ka tirsan Tv-ga qaranka Somaliya

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in is rasaasyentaas ay ku dhinteen illaa 10 qof oo ay ku jraan labada dhinac ee dagaalamay.

Weli qeybaha amaanka dowlada kama aysan hadlin dhacadaas , waxii ka soo kordha kala soco Puntlamndtimes.com haddii alle idmo

Share on Facebook

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

 
/