WARKII U DAMBEEYEY: Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga oo waxba Xal ah gaari waayay & Warkii u dambeeyey

MUQDISHO(PTIMES)- War deg deg ah oo hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in rajada laga qabay guul ay gaaraan shirarka madasha wadatashigu ay hadda quus tahay, isla markaasna ay hadda Hogaamiyaasha Soomaalidu waxba natiijo ah gaarin ilaa hadda.

Saraakiil katirsan Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay PTIMES in ay maamulada qaarkood diideen in wax xubno dheeraad ah lagu daro Aqalka Sare, sidaas oo kalena wax laga dhimo haba yaraateena sidaas oo kale ay diideen dibu dhac doorashada ku yimaada.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, Galmudug, Koonfur Galbeed, Somaliland & xubno taabacsan wey diideen in ay ka tanaasulaan qodobada qaarkood, iyagoo lasoo baxay qorshe horey u jiray oo ahaa in shirka oo dhan la fashiliyo.

Xog soo gaartay Puntlandtimes.com ayaa sheegaya in ay wafdiyada qaarkood ka safri doonaan magaalada Muqdish oo ay dib ugu laaban doonaan caasumadaha dawlad gobaleedyada, iyadoo aan waxba heshiis ah la saxiixin.

Puntland & Jubbaland oo aan la sameynay xariiro dheeraad ah wey ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrimaha hadda socda, waxayna sheegeen in ay soo bixi doonaan sida ay natiijadu tahay.

Siyaasiin ku dhaw dhaw shirkan ayaa u sheegay goor dhaw Puntandtimes.com in ay si cad u burbureen wada hadaladan, ilaa haddana aysan jirin wax talaabo ah oo horey loo qaaday.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Share on Facebook

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. isaac says:

    somaaliya allaa umaqan

  2. abdirahman sudesi says:

    soomali wada tashan wday qabyaalad dhaman wday hogaankii xumaaye tolw yaa noo nqon wakiiil qaramada midoobyo gaal futacas noo hanjab damiirkii soo maali burbur tlw yaa dadnoo nqon allw hogaanga noo hagaaji

  3. BISHAR AHMED says:

    WAXAAN ORAN GEESI RAG WAAYAY DR ABDIWALI MOHAMED ALI GASS HA ISGA TAGO MEESHA WAXBA MAYAALANE




.

 
/