Dooxa, 1 Sebteembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee Qatar kulamo la yeeshay hay’ado iyo shirkado waaweyn oo Qatar leedahay.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, dhiirrigelinta maalgashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo wafdiga Soomaaliya uu la kulmay Qatar Diar, Qatar Investment Authority (QIA), Qatar Airways iyo Machadka Hoggaaminta Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca Qatar u soo bandhigay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan kalluumaysiga, tamarta, dalxiiska iyo gaadiidka.
Shirkadaha iyo hay’adaha Qatar ayaa muujiyay danayn ay u qabaan suuqa Soomaaliya iyo ka qaybqaadashada maalgashi wax-ku-ool ah oo labada dal dan u ah.
Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale, xiriirka istiraatiijiga ah iyo maalgashiga shisheeye.
