Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay safiirro cusub oo loo kala dirayo Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga, iyadoo magacaabista loo gudbiyey Aqalka Senat-ka Mareykanka si loo ansixiyo.
Devin Kennington ayaa loo magacaabay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Junaid Munirna Safiirka Mareykanka ee Jabuuti, halka xildhibaan Jamhuuriga ah ee Mareykanka Wesley Hunt loo magacaabay Safiirka Mareykanka ee Sacuudiga.
Kennington iyo Munir ayaa leh khibrad dheer oo ay ku soo shaqeeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, iyadoo Kennington uu hore uga soo shaqeeyey Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, taas oo siisay khibrad la xiriirta Geeska Afrika iyo arrimaha gobolka.
Wesley Hunt, oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa sidoo kale ah sarkaal hore oo milatari. Magacaabistiisa Sacuudiga ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Washington iyo Riyadh, iyo guud ahaan xaaladda amni ee Bariga Dhexe iyo Badda Cas, ay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah oo sii kordhaysa.
Magacaabista saddexda safiir ayaa kusoo beegmaysa xilli Mareykanku uu si weyn diiradda u saarayo amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha hubeysan, ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga amni ee dalalka gobolka.
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa muhiimad gaar ah u leh istiraatiijiyadda Mareykanka, maadaama ay ku yaallaan meel u dhow Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah mid ka mid ah marinnada ganacsi iyo amni ee ugu muhiimsan dunida.
Haddii Senat-ku ansixiyo, safiirrada cusub waxay wajihi doonaan hawlo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
Magacaabista ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa kadib isbeddello uu maamulka Trump ku sameeyey siyaasadda socdaalka iyo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa magacaabista safiirka cusub mid si gaar ah muhiim ugu ah xiriirka labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabista safiirradu waxay u baahan yihiin ansixinta Aqalka Senat-ka ka hor inta aysan si rasmi ah xilalka ula wareegin.
