| Garoowe: --°C
[adinserter block="1"]

Madaxweyne Cirro oo Washington Kulan Heer Sare ah la Yeeshay Hay’adda ICCF.

Posted By

Puntland Times

Posted On

September 18, 2026

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay qado-sharaf ay magaalada Washington, D.C. ugu sameysay isaga iyo wafdigiisa International Conservation Caucus Foundation (ICCF), iyadoo kulanka looga hadlay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, deegaanka iyo badaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha iskaashi ee dhinacyada ilaalinta deegaanka, khayraadka dabiiciga ah, duurjoogta iyo badaha, iyo sidii loo horumarin lahaa mashaariic iyo iskaashi dhaqaale oo waara.

Madaxweyne Cirro ayaa uga mahadceliyey ICCF martiqaadka iyo soo-dhoweynta, isagoo xusay muhiimadda ay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo horumarinta dhaqaale waara u leeyihiin mustaqbalka Somaliland. Waxa uu sidoo kale adkeeyey doorka iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka iyo kobcinta fursadaha dhaqaale.

Qado-sharaftan ayaa qayb ka ah kulamada iyo hawlaha diblomaasiyadeed ee wafdiga Madaxweynaha Somaliland uu ka wado Washington, D.C., kuwaas oo lagu doonayo in lagu ballaadhiyo iskaashiga Somaliland iyo hay’adaha iyo dhinacyada kala duwan ee Maraykanka, iyadoo xoogga la saarayo arrimaha deegaanka, khayraadka dabiiciga ah iyo danaha wadaagga ah.

[adinserter block="9"]
[adinserter block="10"]

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Warar La Xiriira