| Garoowe: --°C
[adinserter block="1"]

UK oo Xasan Sheekh kala hadashay khilaafka siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya

Posted By

Abshir Ahmed

Posted On

November 20, 2026

UK oo Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadashay wada-hadal siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya

Madaxa Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK iyo Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya, Charlotte Pierre iyo Charles King, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, baahida loo qabo wada-hadal loo dhan yahay iyo dardargelinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso mas’uuliyadda amnigeeda.

Warsaxaafadeedka UK ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in Soomaalidu ay yeeshaan wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana ay si buuxda ula wareegaan gacan-ku-haynta amniga dalkooda.

“Mustaqbalka Soomaaliya waa in ay qaabeeyaan Soomaalidu. UK waxay sii wadi doontaa la shaqaynta hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo mustaqbal ammaan ah, xasilloon oo barwaaqo ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, UK, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa la filayaa inay sii wadaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in Dowladda Federaalka iyo mucaaradku isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

 

[adinserter block="9"]
[adinserter block="10"]

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Warar La Xiriira