| Garoowe: --°C
[adinserter block="1"]

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Nairobi Kaga Qaybgalay Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Bariga Africa

Posted By

Puntland Times

Posted On

September 18, 2026

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Nairobi Kaga Qaybgalay Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Bariga Afrika.

NAIROBI — Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gamal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Nairobi kaga qaybgalay Madasha Hoggaamiyeyaasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Bariga Afrika (East Africa CEO & Investment Forum).

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka uu horseedo fududeynta ganacsiga, kordhinta maalgashiga, kobcinta tartanka iyo abuurista fursado shaqo.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay ka qaybqaadato dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee Bariga Afrika, iyadoo dalka uu doonayo inuu soo jiito maalgashi cusub iyo inuu ballaariyo xiriirrada ganacsi ee uu la leeyahay dalalka Khaliijka, Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Gamal Maxamed Xasan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda isku-xirka dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka, isagoo tilmaamay in iskaashi ballaaran uu gacan ka geysan karo kobcinta ganacsiga, ballaarinta fursadaha maalgashi iyo isku-xirka Bariga Afrika iyo suuqyada caalamka.

[adinserter block="9"]
[adinserter block="10"]

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Warar La Xiriira