Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyey Madasha Nabadda iyo Amniga ee Shiinaha iyo Afrika
BEIJING — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyey Madasha 4-aad ee Shiinaha iyo Afrika ee Nabadda iyo Amniga, oo ay ka qaybgaleen wasiirada gaashaandhiga, madax ciidan iyo masuuliyiin sare oo ka kala socday Shiinaha iyo dalal Afrikaan ah.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray nabadda iyo amniga Afrika, caqabadaha amni ee soo baxaya iyo xoojinta iskaashiga Shiinaha iyo dalalka Afrika.
Fiqi ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso dhismaha ciidan qaran oo awood u leh inuu si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka dhaqaale ay si dhow isugu xiran yihiin, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay doonayso in horumarka amniga lagu taageero xasillooni, maalgashi iyo shaqo-abuur.
Ugu dambayn, Fiqi ayaa bogaadiyey iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, wuxuuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Afrika ay yeeshaan awood qaran oo ay ku maareeyaan amnigooda. Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhismaha awoodda hay’adaha qaranka.
