| Garoowe: --°C
Advertise with Puntland Times

Location: Header Banner - Desktop Only

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Kulan Muhiim ah la Yeeshay Dhiggiisa Qatar.

Posted By

Abshir Ahmed

Posted On

August 30, 2026

Dooxa, Axad, 30 Agoosto 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dooxa kulan muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al Taani, intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.

Kulanka oo ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku weheliyeen wasiirro iyo mas’uuliyiin sare, ayaa looga wada hadlay xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumarka dalka laga sameeyay sannadihii u dambeeyay iyo dadaallada dowladda ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha amniga iyo nabadda ee gobolka iyo caalamka, iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen wax ka qabashada caqabadaha saameynaya habsami-u-socodka ganacsiga caalamka.

Advertise with Puntland Times

Location: Article Inside Post Square - Desktop/Mobile

Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al Taani, ayaa bogaadiyay horumarka Soomaaliya iyo waxqabadka Dowladda Federaalka, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen madax-bannaanida, midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, xilli ay dalka soo wajahday caqabado la xiriira arrimaha qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhiggiisa Qatar gaarsiiyay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Advertise with Puntland Times

Location: Article After Post 1 Square - Desktop/Mobile

Advertise with Puntland Times

Location: Article After Post 2 Square - Desktop/Mobile

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Advertise with Puntland Times

Location: Sidebar Bottom Square - Desktop/Mobile

Warar La Xiriira