| Garoowe: --°C
[adinserter block="1"]

Khariidadda ay diyaariyeen cilmi-baarayaal Yurub ah ayaa Soomaaliya ku muujisay inay ka tirsan tahay isbahaysiga uu hoggaamiyo Turkiga.

Posted By

Puntland Times

Posted On

October 19, 2026

Tel Aviv ( Puntland Times) –Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Axaddii soo bandhigay khariidad xasaasi ah oo ku saabsan amniga qaranka Israa’iil, taas oo Puntland iyo Somaliland ku tilmaamtay deegaanno saaxiib la ah Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

Khariidadda ayaa ka muuqatay shaashad weyn oo taallay gadaasha Netanyahu xilli uu jeedinayay khudbad ku saabsan khataraha amniga ee ka jira Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, sida uu xaqiijiyay xafiiska warfaafinta dowladda Israa’iil.

Sida ka muuqata sawirka, Somaliland, Puntland iyo Itoobiya ayaa lagu muujiyay midab buluug khafiif ah, oo micnaheedu yahay inay yihiin xulafada Israa’iil iyo Imaaraadka.

Dhanka kale, Soomaaliya inteeda kale ayaa lagu muujiyay midab cagaar khafiif ah, iyadoo lagu daray isbahaysi uu hoggaamiyo Turkiga, oo ay ku jiraan Masar, Pakistan iyo Sacuudiga, looguna magac daray Sunni Diamond.

Khariidaddan asalkeeda waxaa leh cilmi-baarayaasha Marc Saxer iyo Marcus Schneider, mana aha dukumeenti rasmi ah oo ka tarjumaya aqoonsi ay Israa’iil si rasmi ah u siisay Puntland ama heshiis isbahaysi oo rasmi ah, balse waa qiimeyn falanqeyn ah oo ku saabsan isbeddellada siyaasadda gobolka.

Khariidadda ayaa sidoo kale muujisay in gobollada Waqooyi Bari aan lagu darin Somaliland, inkastoo Israa’iil ay Somaliland si rasmi ah u aqoonsatay 26-kii December 2025, tallaabo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay “xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda.”

Netanyahu ayaa isbahaysiga ay hoggaamiso Iiraan iyo kan ay hoggaamiyaan Turkiga ku tilmaamay caqabado waaweyn oo amni.

“Waxaa soo ifbaxay fursado lagu abuuri karo isbahaysiyo cusub oo gobolkeena ah iyo wixii ka baxsanba,” ayuu yiri Netanyahu, isagoo intaas ku daray in Israa’iil ay tahay inay ka faa’iideysato labada sano ee soo socota ee maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay u ballaariso xulafadeeda.

Wuxuu sheegay inuusan fileyn in isku dhac toos ah uu dhex maro Israa’iil iyo Turkiga, balse ay Israa’iil qaaday tallaabooyin ay kaga hortagayso ballaarinta milatari ee Ankara ee gudaha Suuriya.

Xiisadda gudaha oo sii xoogeysatay

Xiisadda u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa u muuqata mid sii xoogeysaneysa iyadoo ay ku lug leeyihiin awoodaha shisheeye.

Bishii Janaayo, Puntland ayaa diiday go’aankii dowladda Federaalka ay ku burisay heshiisyada Imaaraadka ee Dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amniga, iyadoo ku tilmaantay “waxba kama jiraan.

Turkiga ayaa door weyn ka ciyaaraya tababarida ciidamada Soomaaliya iyo iskaashiga badda, iyadoo la saxiixay heshiis difaac iyo dhaqaale oo 10 sano ah sanadkii 2024.

Horraantii bishan, lataliyaha arrimaha dibadda ee Madaxweynaha Somaliland, Maxamed Cismaan Fadal, ayaa sheegay in Somaliland ay dooneyso in Israa’iil ay ka caawiso difaaca cirka. “Waxaan rabnaa in Israa’iil ay naga taageerto ka hortagga Turkiga,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya “marnaba aysan aqbali doonin joogitaanka Israa’iil duruuf kasta oo jirta.”

Khubarada siyaasadda ayaa ka digaya in isbeddelladan ay dalka gelin karaan marxalad halis ah oo saameyn ku leh xasilloonida gobolka.

[adinserter block="9"]
[adinserter block="10"]

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Warar La Xiriira