| Garoowe: --°C
[adinserter block="1"]

DEG DEG: Madaxweyne Deni oo Nairobi gaaray, iyadoo kulamo xasaasi ah la yeelanaya wakiillo caalami ah iyo siyaasiyiin

Posted By

Abshir Ahmed

Posted On

September 13, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo lagu wadaa inuu kulamo kala duwan kula yeesho dhinacyo siyaasadeed iyo bulshada

Sida ay sheegayaan xogaha la xiriira booqashada, waxaa socda qabanqaabada kulamo uu Madaxweyne Deni la yeelan doono qaar ka mid ah wakiillada beesha caalamka, siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ah iyo waxgaradka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.

Kulamada la qorsheynayo ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, arrimaha amniga, iyo jihada siyaasadeed ee dalka xilligan.

Nairobi ayaa sidoo kale muddo dheer ahayd goob ay ku kulmaan madaxda Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, diblomaasiyiinta iyo wakiillada bulshada Soomaaliyeed, taas oo ka dhigaysa booqashada Madaxweyne Deni mid xambaarsan muhiimad siyaasadeed.

Faahfaahinta ku saabsan kulamada iyo cidda uu Madaxweyne Deni si rasmi ah ula kulmi doono ayaa la filayaa in lasoo bandhigo inta uu booqashadiisu socoto.

[adinserter block="9"]
[adinserter block="10"]

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Warar La Xiriira