Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka Furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya, oo ay martigelisay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, ganacsatada, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarinta Soomaaliya. Doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed, iyadoo si gaar ah loo eegay sidii dalka looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada looguna tallaabsan lahaa koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Hiigsiga Qaranka 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya u horseedi karta dhaqaale kobcaya iyo horumar waara. Waxa uu xusay in hiigsigaasi uu u baahan yahay maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumariyo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.
