Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Saraakiil Turki ah
MUQDISHO — 21 Sebteembar 2026: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan, iyo wafdi saraakiil Turki ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarka, tayeynta iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Captain Dr. Haldun S. Çetinarslan, U-qaybsanaha Arrimaha Ciidamada iyo Ciidanka Badda Turkiga, oo soo gabagabeynaya shaqadiisa Soomaaliya, iyo Kornayl Dr. Mehmet Serhan Yıldız, oo ah U-qaybsanaha cusub ee Arrimaha Ciidanka Cirka Turkiga.
Wasiir Fiqi ayaa ammaanay doorka TURKSOM ee tababarka ciidamada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya dadaallada lagu dhisayo ciidan awood u leh sugidda amniga iyo difaaca dalka.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Turkigu ay sii xoojinayaan iskaashigooda dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada iyo amniga.
