| Garoowe: --°C
[adinserter block="1"]

DEGDEG: Ciidamada PMPF oo soo furtay markab shidaal oo muddo bil ah burcad-badeed haysteen

Posted By

Puntland Times

Posted On

September 25, 2026

DEGDEG: Ciidamada PMPF oo soo furtay markab shidaal oo muddo bil ah burcad-badeed haysteen

MUDUG, Soomaaliya — Sebteembar 25, 2026: Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa maanta hawlgal ka dhan ah koox burcad-badeed ah ka fuliyay xeebaha gobolka Mudug, iyagoo gacanta ku dhigay markabka shidaalka qaada ee MT SIBU1, kaas oo muddo ka badan hal bil ay haysteen burcad-badeed.

Hawlgalka oo ka dhacay xeebaha u dhexeeya Garacad iyo Hobyo ayaa sababay iska horimaad dhex maray ciidamada Puntland iyo kooxdii markabka haysatay. Sida xogta la helay lagu xaqiijiyay, saddex qof ayaa ku dhintay, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Markabka MT SIBU1, oo wata lambarka caalamiga ah ee IMO 9204776, ayaa ku diiwaangashan calanka dalka Eritrea, waxaana maamusha shirkadda Qatrat Alnada Almasi Ship Management.

Xogta la helay ayaa sheegaysa in markabka ay saarnaayeen 20 shaqaale ah, kuwaas oo 16 ka mid ahi yihiin muwaadiniin Hindi ah, halka shaqaalaha kale ay yihiin Carab.

Sida ay sheegeen ilo amni, markabka ayaa horey cunaqabateyn uga saarneyd dowladda Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay inuu shidaal si sharci-darro ah uga soo qaadi jiray dekedaha Iran. Arrintaas ayaa ka dhigtay markabka mid ay hay’adaha amniga iyo kuwa la dagaallanka tahriibka iyo burcad-badeednimadu si gaar ah ula socdeen.

Kooxda burcad-badeedda ayaa MT SIBU1 qafaashatay 20-kii Agoosto 2026, xilli uu marayay xeebaha Yemen, meel qiyaastii 136 mayl-badeed bari ka xigta magaalada Al Mukalla.

Markabka ayaa markii dambe loo soo jiheeyay dhinaca xeebaha Soomaaliya, halkaas oo kooxda burcad-badeeddu muddo ka badan bil ku haysay.

Ciidamada PMPF ayaa maanta qaaday hawlgal lagu soo afjarayo afduubka, waxaana ugu dambeyn markabka laga saaray gacanta kooxdii haysatay. Shaqaalaha markabka ayaa la soo badbaadiyay, iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo xaaladdooda iyo halka loo qaadi doono.

Hawlgalka ayaa ku soo beegmaya xilli xeebaha Puntland iyo guud ahaan xeebaha Soomaaliya ay weli ka jiraan walaacyo la xiriira soo-noqoshada falalka burcad-badeednimada iyo amniga maraakiibta ganacsi ee mara biyaha gobolka.

[adinserter block="9"]
[adinserter block="10"]

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Warar La Xiriira