| Garoowe: --°C
[adinserter block="1"]

Dowladda Soomaaliya oo Imaaraadka ku eedaysay faragelin ka dhan ah madax-bannaanida dalka

Posted By

Abshir Ahmed

Posted On

November 18, 2026

MUQDISHO, Soomaaliya – 18 Nofeembar 2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid waxa ay ku tilmaantay faragelin joogto ah oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaas ay wax u dhimayaan madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in mowqifka dowladda uu ku salaysan yahay khudbaddii qaran ee uu Talaadadii jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladdu waxay caddeysay inay diiddan tahay faragelin kasta oo shisheeye iyo heshiisyo amni oo barbar socda nidaamka qaranka, kuwaas oo ay sheegtay inay hareer marayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah hay’adda u xilsaaran xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Imaaraadka Carabta in dhammaan xiriirrada ay la leedahay dalka ay si toos ah ula yeelato Dowladda Federaalka, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in cabashada Soomaaliya ay si gaar ah ugu wajahan tahay siyaasadaha dowladda Imaaraadka, balse aysan khusayn xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Imaaraadka Carabta.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.

[adinserter block="9"]
[adinserter block="10"]

La Wadaag Warka


WhatsApp
Facebook
X
LinkedIn
Telegram

Wararkii Ugu Dambeeyay


Editor's Pick


Warar La Xiriira